Ciidamo taabacsan mucaaradka Puntland oo soo bandhigay dhoolatus millatari digniina soo saaray

Ciidamo hubeysan ayaa maanta lagu soo bandhigay duleedka maagaalada Garowe ee caasimadda Puntland, ciidamadaan ayaa taabacsan mucaraadka, iyaga oo ka qeyb qaatay dagaalkii magaalada Garowe ee dhaliyay dhimashada iyo dhaawaca.

Kornayl Jimcaale Jaamac Takar oo hoggaaminayay ciidankaan ayaa si weyn uga soo horjeedo madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaa horay u sheegay in ay ka soo horjeedaan wax ka beddelka dastuurka maamulkaasi. ciimadaan ayaa soo bandhigay dhoolatus millatari.

Goobjoogayal xog oggaal ah ayaa sheegay in ciidamadaan ay ku jiraan ciidamo hab qabiil u abbaabulan oo tababar loo soo xiray, kadib daagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay magaalada Garowe.

Khudbad uu ka jeediyay goobta ciidanka lagu soo bandhigay ayuu sheegay in ay ka soo horjeedaan in la furo dastuurka Puntland, waxaa uu  Saciid Deni ku eedeyay in uu yahay musharrax madaxweyne, lana mid yahay musharraxiinta kale, xaqna uuusan u laheyn in furo, waxna ka beddelo dastuurka.

Taliyahaan ayaa ku goodiyay in uu dhici doono dagaal lamid ah kii hore haddii la furo dastuurka Puntland, waxaa uu ka digay ion baarlamaanka maamulkaasi in ay furaan dastuurka.

Arrintaan ayaa imaaneyso iyada oo maalinta berrito ah Barlamaanka Puntland kulan ay ku yeelan doonaan magaalada Garowe, waxana ay ka hadli doonaan arrimo kale duwan ay ugu horreyaan dastuurka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed