Ciidamo Kenyaan ah oo lagu dilay xadka ay Soomaaliya iyo dalkaas halka tiro kalana lagu dhaawacay

Ciidamo ka soo jeeda Kenya dhintay, 4 kalena way ku dhaawacmeen weerar bambaano oo ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya

Ugu yaraan laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Kenya ayaa ku dhintay weerarkaas, halka afar kalena dhaawac culus ayaa soo gaaray subaxnimadii Isniinta kadib markii qarax nooca meelaha fog laga hago lala beegsaday gaari ay saarnaayeen oo marayey deegaanka Dhadhaab ee gobolka Gaarisa.

Booliska ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay halka loo yaqaan Cige Dam ee ku teedsan wadada Dhadhaab iyo Gaarisa, xilli saraakiisha ay ku wajahnaayeen suggida ammaanka. Gaariga ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan oo ka dhashay weerarka, dadka dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka oo la dhigay.

Weerarka ayaa la aamisan yahay in ay geysteen dagaallamayaasha ururka Al shabaab oo muddooyinkii dambe fulinaayay howlgallo lagu dilay ciiadamo Kenyaan ah iyo dad shacab ah.

Dhammaadkii Todobaadkan ayaa la sheegay in ciidaamada Kenya ay burburiyeen saldhig saadka oo ay al-Shabaab ku lahaayeen Daahun oo ka tirsan deegaanka Faafi, ee ismaamulka Gaarisa waxayna ka soo heleen raashin kala duwan, sida ay sheegeen booliiska.

Ugu yaraan saddex ka tirsan Al-Shabaab ayaa 17-kii October lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay booliisku ku qaadeen deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed