Ciidamo kale oo lagu soo bandhigay Galgaduud iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo socda

Magaalada Cabudwaaq ee gobolka galgaduud waxaa lagu soo bandhigay gadiid dagaal iyo isku soo baxa dad kala duwa, kuwaas oo kaalin muuqata ka qaadanaya  dagaalka ka dhanka ah Al shabaab kaas oo looga xoraynayo guud ahaan Soomaaliya,  si gaar ah deegaanada galmudug.

Masuliyiintii la hadashay ciidankii la soo bandhigay ayaa sheegeen in loo baa hanyahay sidii loo xoreyn lahaa deegaanada kooxda Al shabaab ay kaga suugan yihiin gobolka iyo in loo diyaar garoobo.

Dhanka kale Magaalada Cabudwaaq waxaa wali ka socda Abaabul Ciidan oo loga qayb qadanayo gulufka xooggan ee ka socdo deegaanada gobolka Galgaduud, oo dowladdu ay siineyso ahmiyad gaar ah bilaawga howlgallada wajiga labaad.

Deegaanada gobolka Galgaduud waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan xooggan, goobjoogayaal ayaa sheegaya ilaaa xalay iyo maanta in ay arkeen ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawsleyda, waxana sidoo kale la arkayaa  gaadiid dagaal oo cusub.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed