Ciidamo kala duwan oo ku soo qulqulaya magaalada Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo aad u badan ay ku qulqulayaan furimaha hore ee dagaalka ee ay ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland & kuwa SSC toddobadii bilood ee la soo dhaafay.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa u xaqiijiyay telefishinka HBN Online in ciidamo ka kala yimid Hargeysa, Burco, Buuhoodle iyo deeganno kale ay soo gaarayeen jiidda dagaalka maalmihii la soo dhaafay.

Ciidamada ku hubaysan dabaabaadka dagaalka iyo qaybaha kala duwan ee hubka oo ka soo ambabaxay Buuhoodle ayna ku soo biireen ciidamada la dagaalamaya Somaliland, halka ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo ka socda dhanka Somaliland ay soo gaareen xerada Goojacadde ee duleedka magaalada Laascaanood.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa laga dareemayaa gudaha magaalada Laascaanood iyo waliba deegaanada ay ka mid yihiin Adhi Cadeeye, Caynaba & Yagoori.

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD iyo hay’addo kale ayaa ku baaqay joojinta dagaalka in ciidamada lakala qaado iyadoo Golaha Ammaanka uu si gaar ah ugu wargaliyay Somaliland in ciidankeeda kala baxdo goobaha dagaalka.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed