Buurta Gacan Libaax: Ciidamo ka tagay Laascaanood oo sheegay in ay galayaan madaxtooyada Somaliland

Wararka ka imaanaya Somamliland ayaa sheegaya in ciidamada ku sugnaaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay ku biireen maleeshiyaad horay ugu dhawaaqay in ay dagaal la galayaan maaamulka Somaliland kuwaas oo saldhig ka dhigtay buurta Gacan Libaax ee gobolka Saaxil, hadal heyn xooggan ayey dhalisay arrintaan ku aaddan ciidamadas warbaahinta ka soo muuqday.

Warbaahinta ayaa lagu faafiyay muuqaallo ay soo duubeen oo ay ku sheegayaan in ay ka soo baxeen ciidamada Somaliland, iyaga oo intaas raaciyay in ka soo horjeedaan xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, dagaalna ay la gali doonaan sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidankaan ayaa ku biiraya kuwa horay sidaan oo kale warbaahinta ula hadlay, waxayna ka middeysnaayeen dhammaantood marka la qiimeeyo hadalkoodu hal mowqif ah in ay ka soo horjeedaa xukuumadda Somaliland, iyaga oo sigaar ah u magaacabay Muuse Biixi.

Dhanaca kale  koox kale oo hubaysan oo ka kooban dad shacab ah iyo ciidan, ayaa iyaguna dagaal kaga dhawaaqay gobolka Sanaag, kuwaas oo sheegeen in ay isku koox  yihiin  Ciidanka kale buurta Gacan-libaax.

Ciidankaan ayaa sheegay in doonayaan in ay galaan madaxtooyada Somaliland, iyaga ku dhawaaqay  in ay ka soo horjeedaan wax ay ku tilmaameen rajiimka dalka saameyay.

Odayaasha dhaqanka iyo xubno ka tiraan baarlamaanka ayaa waddo qorshe xal loogu raadinaayo arrintaan ka taagan Somaliland, balse wax natiijo ah wili lagama gaarin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed