Ciidamo hubeysan oo ka tirsan xukuumadda Puntland oo la wareegay xaruntii baarlamaanka maamulkaas iyo xiisad taagan

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa xalay saqdii dhexe la wareegay xarunta baarlamaanka ee magaalada Garoowe, halkaasoo saacadihii ugu dambeeyay ay shirar ku lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

Ciidamo hubeysan oo ah kuwa dagaalka ayaa saaka isku gadaamay xarunta golaha shacabka, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Garowe, seddex maalmood kadib markii Baarlamaanka uu ka soo horjeestay magacaabista Madaxweyne Saciid Deni uu u magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka Baarlamaanka, xilli bisha soo socota ay dhaceyso doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, Baarlamaanka ayaa magacaabay guddi cusub, taasoo ka dhalatay khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka. Labo todobaad ka hor ayaa guddiga dhaqanka SSC iyo Khaatumo ee loo xil saaray xalinta khilaafka doorashada waxay soo jeediyeen in xildhibaanada hadda jira ay doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Ka dib, waxay qorsheynayaan doorasho cusub oo baarlamaanka ah iyagoo isticmaalaya qaabka doorasho hal qof iyo hal cod ah laba iyo toban bilood ka dib.

Baarlamaanka gobolka ayaa taageeray go’aanka odayaasha dhaqanka, waxayna u codeeyeen in muddo hal sano ah loogu daro. Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Yuusuf Jabriil iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa ku adkeysanaya in muddo kordhin loo sameeyo halka sano.

Guddoonka Baarlamaanka iyo Xubnaha Mucaaradka ah ayaa Madaxweyne Deni ku eedeeyaan inuu afduubtay Xarunta Baarlamaanka, xilli Xildhibaanada ay ku mashquulsanaayeen dhameystirka howlo harsan oo ay ka mid tahay ansixinta Miisaaniyadda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed