Ciidamo hor leh oo lagu soo bandhigay Galmudug kuwaas oo ka qeyb galaya dagaalka wajiga labaad ee Al shabaab

Ciidaamo hor leh oo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa lagu soo bandhigay  magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, ciidamadaan oo ah kuwa muddooyinkii dambe laga qorayay deegaannada Galmudug ayaa loo diyaariyay ka qeyb galka dagaalka wajiga labaad howlgallada Al shabaab looga xorreynayo deegaannada maamulkaas.
Ciidamadaan oo wato saannad ciidan oo dhammeysiran sida hub iyo gaadiid dagaal ayaa maanta lagu arkay gobolka, wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidankaas loogu talagalay in  guluf dagaal oo ka dhan ah Al shabaab ay ka bilaabaan bariga gobolka Galgaduud, gaar deegmooyinka Ceelbuur iyo Gal-hareeri oo Al shabaab ay gacanta ku hayaan, kuwaas  oo ku biirayo ciidamada  maamulka Galmudug uu u diyaarayay deegaannadaasi oo iskugu jiro kuwa dowladda, Galumud iyo kuwa deegaanka.
Goobtii lagu soo bandhigay waxaa ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, maamulka Galmudug, oo ay  ugu horreyaan Sanatar Cabdixakiin Macalin Axmed ka tirsan aqalka sare iyo guddoomiyaha Galgaduud Cilmi Cali Ganey iyo masuuliyiin kale.
Dhoolatuskaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dhawaan lagu wadddo in madaxaweynaha Soomaaliya uu Dhuusamareeb ka iclaamiyo wajiga labaad ee dagaallada al shabaab looga xorreynayo guud ahaan Soomaaliya.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed