Ciidamo gadoodsan oo xirtay waddooyin muhiim ah oo ku yaal magaalada Garowe isla markaana eedna u jeediyay madaxweyne Deno

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan  Puntland ayaa maanta gadood sameeyay waxayna xireen wadada hormarta xarumaha dowladda iyo Hoteelada caanka ah ee Garowe. Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaaraad ah, isla markaana ay xirteen waddooyin muhiim ah, isla markaana ay hakiyeen isu socodkii shacabka iyo maamulka.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa ku andacoonaya in Madaxweyne Deni uu u weecinayo mushaaraadkooda si uu ugu ololeeyo doorashada, sida ay hadalka hadalka u dhigeen. Dadaallo ay sameeyeen saraakiisha ciidamada  oo ay ku doonayey in ay dib u furaan wadada ayaa lagu gacan seyray, taasoo sii kordhisay xiisadda.

Dhacdadan ayaa daba socota rabshado maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, halkaasi oo ciidamo maleeshiyaad ah ay ka hortageen in ay soo degto diyaarad siday Miraa. Cabashadooda ayaa salka ku haysa xarig loo geystay shaqsi ku howlanaa keenista qaadka Kenya.

Dhaliilaha loo jeedinayo Madaxweyne Deni ayaa sii xoogeysanayay muddooyinkii la soo dhaafay, Madaxweynaha ayaa wajahaya baaritaan ku aadan mushaar la’aanta ciidamada dowladda iyo kuwa Milatariga oo la sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah. Xaalada ayaa wali kacsan iyadoo maamulka uu la daalaa dhacayo khilaafyo xooggan oo kala duwan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed