Ciidamo gadoodsan oo xirtay bar-koontarool oo ku taal Puntland maalintii 2-aad

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa xirtay wadadda halbowlaha u ah isku socodka magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo, kuwaas  xayiraad saaray wadada dheer ee isku xirto maamulada Galmudug iyo Puntland.

Waa maalintii laabad oo xiriir ah oo ciidankaas ay u xirtan tahay waddadas, baabuur ka badan ilaa 10 gaari ah oo ah kuwa xamuulka ah ayaa dhooban waddada, kuwaas ayaa qaarkood ku sii jeeday magaalada Boosaaso gobolka Bari, halka kuwa kalana ay u socdeen gobolada dhexe ee Soomaaliya. Ciidanka ayaa diiday in ay fasaxaan.

Ciidankaan ayaa shalay xirtay  kastamka degmada Xarfo ee gobolka Mudug, waxayna sheegeen in ay doonayaan in heleen mushaaraad kaga maqan dowladda Puntland iyo xuquuq kale.

Illaa iyo hadda ma jirto wax tallaabo ah oo uu qaaday maamulka Puntland , si loo xalliyo ciidamada jidgooyada dhigtay ee doodaya in aysan helin wax musharaad ah.

Maalmo kahor ayey aheyd markii ciidamo gadoodsan oo ka cabanaya mushaar la’aan ay xirteen dekadda magaalada Boosaaso, iyo sidoo kale magaalada Garowe.

Ciidamdaan aya Madaxweyne Deni ku eedeeyay mushaaraadkoodii uu ku galay olole doorasho, waa sida ay ku warrameen saraakiisha hoggaamineysay ciidamada gadoodsan.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed