Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Kastamka degmada Xarfo ee Puntland

Wararka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay qabsadeen kastamka degmada Xarfo ee gobolka Mudug, waxana ka soo baxaya faah faahinno dheeraad ah.

Ciidamada gadoodsan ayaa la sheegay in ka cabanayaa mushaar la’aan, kuwaas oo la wareegay kastamkii degmada Xarfo, waxayna sheegeen in ay doonayaan xuquuqda uga muqan dowladda in ay helaan.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ciidamadu xireen wadada laamiga dheer, sawirro laga soo qaaday ayaa muujianaya gaadiid dhooban wadada oo ku xayiran wadada. Saraakiisha hoggmaamineysa ciidanka ayaa sheegay in aysan goobta ka tagi doonin, ilaa ay helaan mushaaraadka ka maqan.

Sidaan oo kale dhowr jeer ayey dhacday in ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ay xirtaan waddooyinka waa weyn ee maro magaalooyinka Puntland.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca xukuumadda oo ku aaddan ciidamadaan qabsaday Kastamkii degmada Xarfo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed