Ciidamo dowladdu u dirtay deegaal beeleedyo ka dhacay Shabeeleda Dhexe oo sameeyay hub ka dhigis kuwaas oo gaaray deegaano badan

Ciidanka Daraawiishta Boliiska iyo Nabad sugidda ee dowladdu u dirtay inay kala dhex galaan maleyshiyo beeleedyo ku dagaalamaya gobolka Shabeelada dhexe ayaa gaaray Deegaano hoos yimaada Degmada Cadale ee gobolkaas, sida ay baahisay xukuumadda.

Ciidamada ayaa gaaray deegaanada kala ah Cadow-uul, Garasweyne, Xaaji-Cali, Ceel-muluq, laba-garas, Goof-hareeri, Geel-gub, Burto-Shiikh, Geyfo, Boos-muluq iyo Biyo-madoobe, oo dhamaantood ah kuwii ay maleeshiyo beeleedyadu ku dagaalameen muddooyinkii la soo dhaafay.

Dagaalladaas ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xooggan oo soo garay maleeshiyaadkii halkaas ku daallamay, kuwaas oo xitaa iska gubay guryo iyo goobo ganacsi oo baaxad leh, waxana guul darreystay hishiisyo dhowr jeer laga gaaray kuwaas oo aanan dhaqan gelin.

Ciidanka ayaa kala dhex galay maleeshiyadii ku diriray deegaanadaas waxaana howlgallo ay sameeyeen hub ka dhigis ku sameeyeen qaar ka mid ah maleyshiyaadkii dagaalamay iyadoo amar cad la dul dhigay sida uu xaqiijiyey taliyaha Ciidanka daraawiishta Sarreeye Guuto Cabdulahi Mire.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa Al shabaab ku eedeysay in ay hurinayaan dagaal beeleedyada ka dhacay deegaanno kamid ah Soomaaliya si ay iskaga weeciyaan howlgallada ka dhanka ah kooxda oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed