Ciidamadii Ugu Badnaa oo Loo Diyaariyay Al-shabaab oo Ka Baxay Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa sagootisay ciimadii ugu badnaa, kuwaas oo loo diyaariyay dagaalka Wajiga labaad ee Al-shabaab, ciidankaan oo soo dhammeystay tababaro kala duwan ayaa u dhaqaaqay furimaha dagaalka, kuwaas oo xoojin doono, kuwa horay u baxay, halka qaarkoodna la geyn doono deegaanno iyo degmooyin kale.

Wasiirka gaashaandhigga dowlada xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho ka sagootiyay guutada 24-aad ciidamadaan ayaa lagu magacaabaa Khaalid Binu Waliid.

Wasiirk ayaa sheegay in ciidamadaan ay ku biirayaan kuwa kale  dowladda iyo deegaanka ee ka sugan furimaha dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaa uu cod dheer ku sheegay in dowladdu ay waqti badan galisay.

Balse wasiirka faah faahi dheeraad ah kama bixin, halka la geyn doono Ciimadaan, iyo deegaannada ay ku wajahan yihiin, laakiin ilo madax bannaan oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in Ciidankaan ay caga-dhigan doonaan, gobolada Shabee dhexe, Hiiraan iyo Galduduud, gaar degmooyinka ugu muhiimsan ee ku jira gacanta Al-shabaan.

Ciimadaan ayaa watay gadiid dagaal culus iyo hub fara badan, waxana loo qorsheyay in ay laf-dhabar u noqdaan dagaal wajiga labaad ee Al-shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed