Ciidamadii ka dagaallamay Awdheegle oo lagu dhawaaqay in la dalacsiinayo

Dowladda Soomaaliya ayaa dalacsiineysa labo guuto oo ka tirsan ciidamada milateriga ee fadhigoodu yahay gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay ka hortageen weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Awdheegle maalintii Axadda.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor iyo guutada 14-ka October ayaa weerarka ku dilay ugu yaraan 20 ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen taliyeyaasha ciidamada, waana mid kamid  khasaarihii ugu xoogganaa ee ay la kulmaan dagaallamayasha muddooyinkii dambe

General Ibraahim Sheekh Muxuyidiin, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo booqday Degmadaasi, ayaa yiri “Waxaan rabaa in labadii guuto ee sida geesinimada leh halkan ugu dagaalamay la dalacsiiyo min-labo darajo, askari kasta waxaan balan qaadaynaa in mushaarkiisa la siin doono”.

Al-shabaab ayaa saddex weerar oo kala duwan ku qaaday isku day ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan degmada Awdheegle, balse ciidamada milateriga oo kaashanaya duyuuradaha wax duqeya ayaa ka hortagay weerar kasta.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed