Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo howlgallo culus ka sameeyay deegaanno hoos yimaada magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool

Ciidamada Xoogga Soomaaliya  gaar ahaan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgalo ka sameeyay deegaano hoos taga magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana ciidamada ay ka xoreeyeen tuulooyin dhowr ah oo sanado badan ay gacanta ku hayeen ururka Al shabaab, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Howlgalladan ayaa lagu bartilmaameedsaday deegaanno ay ka mid yihiin Abagbeday, Dudumaale, Buulo-koojoor, Ceelgaras iyo deegaanno kale, halkaasoo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Al shabaab.

Taliyaha ururka 9-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka oo horkacayay howlgalka ayaa Wakaaladda Wararka ee SONNA u sheegay in ciidamadu ay ka sifeeyeen goobihii ay ku sugnaayeen wax kasta oo khatar ku ahaa, islamarkaana ay soo celiyeen nabad iyo amniga deegaannadaas.

Waxa uu sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay sidii dalka looga sifeyn lahaa dagaalyahannada Al shabaab, islamarkaana dowladdu ay gacanta ugu dhigi laheyd. Sidoo kale waxa uu sheegay in tuulooyinkaasi ay ka socdaan howlgalo lagu  xaqiijinayo amaanka guud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed