Ciidamada xoogga dalka oo burburiyay saldhigyo Al shabaab ay ku lahaayeen gobolka Jubbada Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka war bixisay howlgalo xooggan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose halkaasoo ay ku burburiyeen saldhigyadii Al shabaab.

Saraakiisha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ururka 162-aad ee guutada 16-aad ay howlgal gaar ah ka fuliyeen deegaanada Yaaq-haluul, Qod-Qod, Beer-xaani, iyo Quddus. Gaashaanle Carab Dheeg Axmed ayaa xaqiijiyay in ciidanku ay ka sifeeyeen aagagga khatarta ururka Al shabaab.

Xoreynta deegaanadaasi ayuu ku tilmaamay mid muhiim u ah isu socodka gobolada Jubbooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland maadaama ay burburiyeen goobo ay ciidamada Al shabaab lacagta ka qaadi jireen gaadiidka halkaasi mara.

Dowladdu ma aysan bixin faah faahin intaas dhaafsiisan waxa ay burburisay gaar ahaan haddii uu dhacay iska horimaad dhexmaray ciidamada kumaandooska DANAB iyo kuwa Al shabaab oo saldhigyadooda la weeraray.

Gobolka Jubada Hoose waxaa ka socda howlgalo iyo abaabul ay si wada jir ah u fulinayaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB, kuwa Jubbaland, Nabadsugida iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawisley.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed