Ciidamada RSF oo sheegatay inay dileen boqolaal ka tirsan askarta dawlada Sudan

Wararka ka imaanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in ciidamada gurmadka dadka ah ee RSF ee dagaalka kula jira ciidamada qalabka sida Sudan ayaa ku andoocday inay dileen 260 askari oo ka tirsan ciidamada daacada u ah hoggaamiyaha golaha military ee TCS ee maamula Sudan Jeneral Cabdifatah Al Burhan.

Bayaan ay soo saareen ciidamada RSF waxay ku sheegeen in iska horimaadka ay dileen askartan boqollaalka ah oo dhacay saacadihii la soo dhaafay ay sidoo kale ku qabsadeen qayb ka mid ah unug ka mid ah ciidamada taangiyada iyo qalab gaadiid dagaal.

“Ciidamadeennu waxay guulo waaweyn ka gaareen dagaalladii maanta ka dhacay agagaarka saldhiga cutubka taangiyada SAF ee xaafadda Al Shagara ee magaalada Khartoum, waxaynu ku qabsanay hub badan, waxayna ku dileen 260 ciidammada cadowga, boqolaal kalena nolol ayaan ku qabanay” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ciidamada RSF.

Laakiin hadalhayeen u hadlay ciidamada Sudan ayaa beeniyay sheegashada ka soo yeeraysa ciidamada RSF, isla markaana ay iska caabiyeen weerar lagu soo qaaday saldhigyadooda.

Hadalka ka soo baxay military-ga Sudan ayaa waxaa lagu yiri “Ciidamadeenu waxay iska caabiyeen isku day weerar oo fashilmay oo ay sameeyeen RSF. Cutubyadeena gaar ah ayaa jabiyay RSF-ta, welina waxay ku raadjoogaan oo ay kormeerayaan xaafadaha ku xeeran unugga taangiyada”.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaal xooggan uu Isniintii labada dhinac ku dhexmaray koonfurta Khartoum iyo Omdurman iyadoo la isku adeegsaday duqeymo xooggan oo dhanka cirka ah iyo lidka dayuuradaha.

Kumannaan qof ayaa lagu dilay in ka badan 4 milyan oo kalena waa ay ku barakaceen tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidamada Sudan 15-kii Abriil, gaar ahaan Khartoum iyo gobolka Darfur.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed