Ciidamada Nisa ee gooblka Gedo oo gacanta ku dhigay xubin sare oo ka tirsan Al shabaab

Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya howlgal ay ka fuliyeen deegaannno hoos yimaado  gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Luuq waxay gacanta ku dhigeen xubin sare oo ka tirsanaa ururka Al shabaab, kaas oo la soo bandhigay.

Ninkaan la qabtay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Cismaan, kaas oo watay mootada nuuca loo yaqaan feeykoon, saraakiisha ayaa sheegeen in uu ku howlanaa qaadidaa lacagaha dadka deegaanka, balse laga war helay xogtiisa kadibna ay qabteen.

“Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgalaya gobolka Gedo ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degaano hoos yimaada Degmada Luuq ku soo qabtey dhagar qabe Maxamed Cali Cismaan oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo ku howlanaa dhibaateynta Shacabka deegaankaas” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hey’adda Nisa.

Wareysi uu siiyay hey’adaha ammaanka ayuu ku sheegay in Al shabaab uu uga biiray degaanka Ufuroow ee gobolka Baay.

Muddooyinkii dambe ciidamada kala duwan ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigayay xubno ka tirsan Al shabaab kuwaas oo watay mootooyinka Feeykoonka, isbuucii hore ayey markii sidaan kale ciidanka Galgaudud ay gacanta ku dhigeen xubno kale oo watay Mooto nuucaan oo kale ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed