Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ayaa howlgal wadajir ah ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Xoogga Soomaaliya  oo gacan ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka kala socda Burundi iyo Uganda ayaa fuliyey weerar qorsheysan labadii maalmood ee ugu dambeeyay si wadajir ah uga dhacay keymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka AMTIS, hawlgalku wuxuu  socday dhawr maalmood oo ahay weerarro isugu jira dhulka iyo madaafiicda cirka, kuwaasoo dhammaaday Axaddii 1-da Oktoobar, si Al-Shabaab looga sifeeyo meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan keynta Cali Fooldheere ee Shabeelada Dhexe.

Taliyaha ATMIS, Sarreeye Gaas Sam Okiding, ayaa yiri “Cali Fooldheere waxa ay noqotay goob istaraatiiji ah sanadihii ugu dambeeyay oo ay argagixisadu ka qorsheeyaan weeraro lagu hoobto oo ay ku qariyaan rasaasta baabuurta loo adeegsado qaraxyada”.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Amb. Mohamed El-Amine Souef ayaa u hambalyeeyay ciidamada isku dhafka ah ee ku guuleystay weerarka. “Waxaan bogaadinayaa dadaalka geesinimada leh ee ciidamadeena ATMIS-ta iyo kuwa Soomaaliyeed ay ku wiiqayaan awooda Al-Shabaab, ATMIS waxa ay si buuxda uga go’an tahay hirgelinta qorshaha kala guurka ah ee Soomaaliya oo ku dhammaan doona in mas’uuliyad ah amniga lagu wareejiyo ciidamada amniga Soomaaliya” ayuu yiri.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ATMIS iyo kuwa XDS ay hadda gacanta ku hayaan fariisimo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen, waxaana laga saaray deegaano yar yar oo ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen deegaanada dhaca dhanka waqooyi ee degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojisay ololaha ka dhanka ah Al-shabaab, ee looga saarayo guud ahaan dalka, si gaar ah maamullada mataanaha ah ee Hirshabeelle iyo Galmudug

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed