Ciidamada Itoobiya oo madaafiic ku garaacaya deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab ee gobolka Baay

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa madaafiic ku garaacay deegaano duleedka ka ah degmada Diinsoor ee gobolka Baay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Madaafiic gaaraya ilaa lix ayaa ku soo dhacay tuulooyinka ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in khasaare aan la ogeyn uu ka soo gaaray dadka deegaanka, kuwaa oo soo sheegaya in  ay maqleen jugta qaraxyo culus oo ka dhashay duqeynta.

Xaalada ayaa degan maanta, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed iyo Taliska ATMIS ee Magaalada Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa agagaarka magaalada ku dagaalamay Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya oo wajahaya go’doomin muddo ka badan 10 sano ah, maadaama ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ku-meel-gaarka ah, iyo ciidamo kale oo ka jooga Soomaaliya kuwaasoo ku saleysan hab-u-qaabaynta dowladda Muqdisho.

Bishii la soo dhaafay, Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ayaa saldhigyo ku leh Waajid iyo Xudur.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa lala beegsaday labo kolanyo oo mid ka mid ah uu kasoo baxay degmada Yeed kuna sii jeeday degmada Waajid iyo kolanyada labaad oo ka soo ambabaxay degmada Ceelbarde kuna sii jeeday magaalada Xudur.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed