Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay xubno looga shakisan yahay ka tirsanaanshaha Boko Haram iyo Al-Shabaab

Ciidamada amaanka dalka Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay tiro ka mid ah kooxaha  Boko Haram iyo Al-Shabaab sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka dalkaas.

Xafiiska Nabadgelyada iyo Amniga ee Dawlad Goboleedka Sidama ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dadkan la soo qabtay ay qorsheynayeen weeraro argagaxiso oo ay ka geystaan ​​meelo kala duwan oo dalka Itoobiya ka tirsan, iyagoo kaashanaya kooxaha argagixisada ah ee ku meel gaarka ah iyo kooxda jabhadaha hubaysan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in lagu soo qab-qabtay Eedeysanayaasha Argagixiso kadib howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada Ammaanka Gobolka Sidama, kuwa Difaaca Qaranka Itoobiya iyo Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Itoobiya ee NISS.

Bayaanka laguma sheegin tirada saxda ah ee tuhmanayaasha ee la qabtay. Ma aysan cayimin nooca weerarrada argagixisanimo iyo bartilmaameedyada argagixisada ee tuhmanayaasha la sheegay in ay qorsheynayeen  weerarada.

Bayaanka, ayaa si kastaba ha ahaatee, muujiyay sawirada ugu yaraan saddex tuhmane iyo qalab isgaarsiineed oo casri ah oo la sheegay inay si qarsoodi ah iskula xiriirayeen.

Al-Shabaab waa koox Islaami ah oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya, balse waxay sidoo kale ku lug leedahay weeraro ka dhaca dalalka kale ee Bariga Afrika ku yaal.

Boko Haram waa kacdoon Islaami ah  oo asal ahaan ka soo jeeda Nigeria balse waxay sidoo kale ku lug lahaayeen weeraro argagixiso oo ka dhacay dalal badan oo Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed