Ciidamada Itoobiya oo 24 saac gudahood ku amray in uu gobolka Gedo kaga baxo Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Barre Hiiraale

Siyaasiga Korneyl Barre Aadan Hiiraale oo ka mid ah Siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo jeeda Gobolka Gedo, ayaa sheegay in Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda Itoobiya ay ugu hanjabeen kuna amreen in uu ka baxo gobolka Gedo 24 saac gudahood.

Barre Hiiraale oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in maanta ay gurigiisa ugu yimaadeen saraakiil iyo ciidamo Itoobiyaan ah, ayna ku amreen inuu 24 saac gudahood uga baxo magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

“Saraakiil iyo askar ayaa iigu yimid gurigayga, waxayna igu amreen inaan magaalada uga baxo 24 saac, ma garanayo sababta saraakiishan iyo askartoodu ay arrintan ugu soo rogeen” ayuu yiri Barre Hiiraale.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uusan ka bixi karin magaalada uu ku nool yahay, halkaasna uu degan yahay, sida uu ku sheegay wareysigiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Barre Hiiraale ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn uga soo horjeeday maamulka Jubbalnad, tan iyo markii la dhisay maamulkaas, waxaana xusid mudan in Barre Hiiraale iyo maamulka uu dagaal culus horay ugu dhexmaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed