Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Diinsoor oo Madaafiic ku garaacay fariisimaha Al-Shabaab ee gobolkaas

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay Madaafiic ku garaaceen deegaano ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya oo ay maamulaan Al-Shabaab, sida aan ka helnay gobolkaas.

Dadka deegaanka ee ku dhaqan magaalada Diinsoor ayaa sheegay in saaka aroortii ay maqleen qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay degmada Diinsoor. Duqeynta ayaa timid kadib markii Al-Shabaab ay isku dayeen weerar, taasoo keentay in ay la kulmaan duqeyn ka timid dhanka millateriga Itoobiya.

Dadka tuulada oo argagaxsan ayaa ka soo baxay guryahoodii iyagoo ka baqaya weerar rogaal celis ah oo Al-Shabaab ku soo qaadaan. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaafiicda ay ku garaaceen ciidanka  Itoobiya.

Deegaannada ku yaalla duleedka degmada Diinsoor ayaa waxaa gacanta ku haya Al-shabaab, waxaana tuulooyinka iyo deegaannada hoostaga degmada ay noqdeen kuwa go’doonsan, oo ka maqan gacanta  ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xooggga Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa bartamihii bishan weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay kuna sheegtay inay ku dileen 167 askari oo Itoobiyaan ah, ayna burburiyeen gaadiid dagaal, sidoo kalena ay qabsadeen hub iyo saanad kale. Halka Itoobiyana ay beenisay, iyaga oo taas beddelkeeda in ay dilneen ku dhawaa 500  oo tirsanaa Al shabaab, tirooyinka khasaaraha ay bixiyeen labada dhinac si madax banaan looma xaqiijin.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ku-meel-gaarka ah ee ATMIS.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed