Ciidamada Israel oo isaga baxay Jenin ka dib iska caabin xooggan oo ay la kulmeen

Ciidamada Israel oo isaga baxay Jenin ka dib iska caabin xooggan oo ay la kulmeen
Ciidamada Israel ayaa habeenimadii xalay isaga baxay xerada Jenin ka dib duulaan Isniintii ay ku qaadeen deegaankan ku yaal Daanta Galbeed, waxaana ka bixitaankooda ay ku macneeyeen inay soo gabagabeeyeen hawgal qorsheysan oo loogu tala galay in lagu bartilmaamaysto kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta & meelaha hubku ugu kaydsan yahay.
Laakiin waxaa soo baxaysa faahfahin ku aadan in ciidamada Israel ay la kulmeen iska caabin aanay filayn sidaana ay uga baxeen halkaasi.
Israel ayaa qiratay in mid ka mid ah ciidamadeeda lagu dilay weerarka, waxaase jira warar sheegaya in tirade intaasi ka badan tahay.

Dhanka Falastiiniyiinta waxaa geeriyooday 12 qof oo qaar ka mid ah ay yihiin caruur ay haleeshay rasaastii ciidamada Israel ridayeen.
Xukuumadda mayalka adag ee hoggaamiyo Ra’isalwasaare Benjamin Netanyahu ayaa boqollaal ciidamo ah u dirtay Jenin, waxaana la sheegay in weerarkaasi marka laga tago khasaaraha nafeed ee uu gaystey in ciidamada Israel burburiyeen guryo dad rayid ah leeyihiin, goobaha adeegga dadweynaha oo ay ka mid yihiin Isbitaallo & waddooyinka oo gabi ahaanba ay ku jajabiyeen cagaf cagafyo.

Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn ayaa sheegay in ay ku adkaatay gawaarida gurmadka deg deg ah inay gaaraan goobaha ay yaalaan dhaawacyada maadaama waddooyinkii oo dhan ay burburiyeen ciidamada Israel.
Dhinaca kale, Israel ayaa sheegtay inay weerar xagga cirka ah la beegsatay Suryada Qasa ka dib markii waa sida hadalka ay u dhigtay’e laga soo riday halkaasi gantaalo, kuwaasi oo la sheegay in hawada lagu burburiyay.

Ugu yaraan 200 Falastiinyiin ah, 26 Yuhuuda laba qof oo Yurub u dhashay ayaa sanadkan lagu dilay iska horimaadyada u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Israel, iyadoo Israel kordhisay weerarada ay ku hayso dhulalka ay haysato.

Warqabadka HBN Online

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed