Ciidamada gargaarka deg deg ah RSF oo ku eedeysay ciidamada Suudaan inay duqeeyeen safaaradda Faransiiska

Ciidamada  (RSF) ee Suudaan ayaa ku eedeeyay ciidamada dalkaas inay “bam ku weerareen safaaradda Faransiiska” ee magaalada caasimadda ah.

Qoraal dheer oo ay soo dhigtay X, oo hore loo oran jiray Twitter-ka, ayaa RSF waxa ay ku sheegtay in qaraxa la sheegay in uu “burbur xooggan u geystay xarunta”.

“Ciidanka Taageerada degdega ah (RSF) waxay si adag u cambaareynayaan weerarka cirka ah ee aan loo meel dayin ee lagu weeraray safaaradda Faransiiska,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Milateriga Suudaan iyo Milateriga Faransiiska midkoodna kama hadlin eedeymaha loo jeediyay. Dagaalka lixda bilood ee u dhexeeyay RSF iyo ciidamada ayaa waxaa ku dhintay 9,000 oo qof halka lix milyan oo kalena ay ku barakaceen, sida ay sheegtay QM.

Bishii Abriil, muwaadin Faransiis ah ayaa ku dhaawacmay weerar lagu qaaday kolonyo ay dhinacyadii dagaallamayay midba midka kale ku eedeeyay.

Dhanka kale, RSF waxay sheegtay shalay inay ku dishay in ka badan 500 oo askari weerar ay ku qaadeen kolonyo ciidan oo ku sugnaa magaalada Khartoum ee mataanaha la ah ee Umudurman.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed