Ciidamada Faransiiska oo markii ugu horeysay ka baxaya dalka Niger

Wakaalada wararka ee AFP ayaa ku warantay in Faransiisku uu bilaabay in uu ciidamadiisa kala baxo dalka Niger amar kasoo baxay militariga.

“Ciidanki ugu horeeyey wuu baxay” ayuu yiri afhayeenka madaxa ciidamada Faransiiska.

Goor sii horeysay, ciidamada Niger ayaa sheegay in bixitaanku uu bilaaban doono talaadada iyadoo ay galbinayaan ciidamada Niger.

Xiisada u dhaxeysa labada dal ayaa bilaabatay bishii July ka dib afgambigii xilka looga tuuray madaxweynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay iyo xulafadii Faransiiska Mohamed Bazoum. Ilaa 1,500 oo askari oo Faransiis ah ayaa gacan ka geysanayay dagaalka lagula jiro kooxaha Islaamiyiinta.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed