Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay gacan ku heynta deegaanno ku yaal gobolka Mudug

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa howlgallo culus ka sameeyay deegaanno ku yaal koofurta gobolka Mudug, isla markaana la wareegay gacan ku heynta deeegaanno dhowr ah, halkaas oo ay iskaga bexeen kooxda Al shabaab.

 

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in deegaannada dib loogala wareegay ay ka mid yihiin magaalooyinka Dhagaxdheer iyo Dahar-Cali Khaylow oo ah deegaanno istiraatiiji ah oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgalkan lagu guuleystay ayaa muujinaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dadaallada lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab iyo goobaha laga soo abaabulo weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed