Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgallo qorsheysan ka sameeyay duleedka magaalada Muqdisho

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Booliska Soomaaliyeed ee Xaramcad ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa saaka ku soo toosay ciidamada Booliska oo howlgallo culus ka bilaabay dhammaan xaafadaha Ceelas Biyaha, kuwaasi oo baaritaanno ku sameynaya dadka iyo guryaha.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ayaa gacanta ku dhigay shaqsiyaad lagu tuhmayo inay la shaqeynayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab

Howlgalkan oo ah mid adag ayaa kusoo beegmaya xilli ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho uu ahaa mid aad u wanaagsan.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa inta badan waxa ay howlgalo ka sameeyaan xaafadaha ku yaal duleedka Muqdisho iyo xaafadaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimadda.

Ciidamada dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta iyo kuwa deegaanka oo abaabulan ayaa tan iyo markii ay howlgallada billaabeen Al-shabaab ka saaray deegaanno dhowr ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed