Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay gobolka Bakool

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool oo ku dhow xadka dalka Itoobiya.

Ciidamada isku dhafka ah ayaa weerar ku qaaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Bariga iyo Galbeedka Waajid, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Saraakiisha hogaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ciidamada Xooga Dalka Soomasaliya iyo kuwa gobolka oo iskaashanaya ay u suurtagashay in ay burburiyaan saldhigyo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen  intii uu socday howlgalka ballaaran.

Sidoo kale, ciidamada ayaa u dhaqaaqay tuulooyinka ku dhow dhow, si ay u burburiyaan Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka miyiga ah ee u dhexeeya magaalooyinka waaweyn ee gobolka Bakool, halkaasoo ay go’doomiyeen.

Al-Shabaab ayaa horaantii sanadkan isku dayay in ay gudaha u galaan dalka Itoobiya kadib markii ay weeraro ka soo qaadeen xadka ay la wadaagan gobolka Bakool balse waxa ay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Itoobiya waxay horay u sheegtay in askartu ay joojiyeen kooxihii weerarka soo qaaday ka hor inta aysan burburinka geysan magaalada xadka ku taalla ee Doollow bishii June ee sanadkan.

Dhacdadan la sheegay in ay ka dhacday degmada Doollow ayaa ku soo aadaysa iyadoo maalmo ka hor weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin gobolkaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed