Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howgal ku dilay 15 xubin oo ka tirsan Al Shabaab

Dowladdu Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dileen 15 xubnood oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, howgal ka dhacay gobolka Bay, sida ay shaacisay dowladdu.

Ciidanka ayaa Burburiyay Jidgooyo iyo xarun Al-shabaab  ku la haayeen deegaanka Jameeco ee Gobolka Bay, halkaas oo ahayd goob ay ku xoogganaayeen, waxayna ku lahaayeen Fariisimo.Hawlgalkaan oo dhacay maqribnimadii Caawa.

Waa hawlgalkii labaad oo ciidanka xoogga Soomaaliya muddo 24 saac gudahood ka sameeyaan wadadaan isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan inta u dhaxaysa Leego iyo Buurhakaba, halkaas oo Al-shabaab ay ku qaadi jireen lacago gadiidka dadweynaha iyo dadka shacabka ah, sidaas waxaa sheegtay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed