Ciidamada dowladda Soomaaliya oo cagta mariyay saldhigyo Al shabaab ay ku laheyd deegaanno dhaca gobolka Bakool

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa maanta burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaddinb howlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen.

Howlgallada ayaa ka dhacay deegaanka Dhuurey iyo tuulooyin kale oo maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxdaasi, halkaas oo ay ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah ciidamada isku dhafka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Waajid Maxamed Macallin Yuusuf iyo taliyaha qeybta 260-aad ee ciidanka xoogga dalka Onkod Macallin Aadan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen in ay ka saaraan dagaalyahannadii Al shabaab. Waxa ay sidoo kale balan qaadeen in ciidamada ay dhawaan howlgalo balaaran ka fulin doonaan gobolka Bakool.

Guddoomiyaha ayaa ku nuux nuuxsaday in dadka deegaanka ay hadda diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda maamulka Koonfur Galbeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed