Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Al-Shabaab ka saaray keymahii ciid-ciidka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Xoogga dalka oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa maanta oo Arbaca ah ka saaray xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay keymaha Ciid-ciidka ee degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Todobaadyadii la soo dhaafay xubno ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa gabaad ka dhiganayay keymaha kadib weeraro iyo qaraxyo is xig xiga. Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa bartilmaameedsaday kooxda, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen howlgalo dhulka ah oo ka dhan ah fariisimaha kooxdaasi. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in dadaalladan wadajirka ah ay ku qasbeen Al shabaab inay ka cararaan xeryahooda.

Sawirro laga soo qaaday dhulka howdka ah ayaa muujinaya godad badan oo ay qoteen kooxdaasi. Istiraatiijiyaddan  dhuumaaleysiga ah waxay ka mid ahayd sababihii ay muddada dheer ku qaadatay in Al-Shabaab laga saaro kaymaha.

Todobaadkii la soo dhaafay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya  Macawisleyda ayaa Dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab ka saaray Keymaha Cali Fooldheere.

Ciidamada ATMIS ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid guul ah islamarkaana khasaara lixaad leh lagu gaarsiiyay Al shabaab, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah oo maalmo socday iyo weerar madaafiic ah, kaasi oo Axadii lasoo dhaafay lagu soo afjaray. Al-Shabaab waxaa laga saaray keymaha Cali Fooldheere.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed