Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah oo duqeyay keydkii hubka Al shabaab ee Jubbada Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxiibo caalami ah ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin Bu’aale, Saakow iyo Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

 

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalkaas lagu burburiyay keydkii hubka ee Al-shabaab, iyadoo sidoo kalena lagu garaacay xarumo dhowr ah oo lagu tababaro. Waxa ay intaasi ku dartay in Al-Shabaab ay soo gaareen khasaarooyin kala duwan.

Dawladdu ma aysan bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan.

Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera duqeymaha dhanka cirka ah, si loo wiiqo awooda Al-Shabaab ee abaabulka weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Mareykanka uu weerar ku qaaday deegaanka Shabeelow ee koonfurta gobolka Mudug, halkaasi oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen xarumo laga soo abaabulo weerarada qorsheysan.

Dowladdu weli uma suurtagelin in Al-Shabaab laga saaro Mudug iyo Galgaduud.

Ciidamada ayaa faarujiyay deegaanadii ay Al-Shabaab kala wareegeen sida Galhareeri,Galcad,Ceelbuur oo ka tirsan maamulka Galmudug kadib weerar khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay saldhiga Cosweyn ee Galgaduud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed