Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo howlgallo ka fuliyay gobolka Mudug

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa Saakay oo Sabti ah waxa ay Howlgallo Cirka ah ka fuliyeen degaan o ka tirsan gobolka Mudug, kaas oo lagu beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha dowladda ayaa la filayaa in dhawaan ay faah faahin ka bixiyaan howlgalkaasi isla markaana ay shaaciyeen khasaaraha rasmiga ah ee ka dashay.

Balse howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay dib ula wareegeen deegaanno muhiim ah oo ay ka mid tahay deegaanka Masagawaay ee bariga gobolka Galguduud ee hoos taga maamulka Galmudug. Sidoo kale waxa ay ku soo beegantay maalin kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay gobolka Jubbada dhexe ku dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed