Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ATMIS oo isku furay waddo muhiim ah gobolka Shabeelada Hoose

Subaxnimadii hore  ciidamada wadajirka ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay furaan waddo 14Km ah deegaannada  Baladul-Amiin iyo Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose.

Waddaan ayaa loogu kala gooshi jiray  Qoryooleey, Muqdisho iyo ddegaanno kale, waxana adeegsan jiray dadka safarka ah iyo badeecadaha ka kala yimaada Qoryooley, Muqdisho iyo gobolada kale. Sanadihii lasoo dhaafay, dadka safarka ah ayaa dhibaato ku qabay  qaraxyo badan oo Al-Shabaab ay ku aaseen waddada.

Intii uu socday howlgalka wadajirka ah, ayaa ciidamada waxa ay soo heleen walxaha qarxa oo ay waddada ka soo sareen, Saraakiisha ayaa sheegay in Al shabaab ay galiyeen jidka oo ah mid aad loogu safro.

ATMIS waxaa ka go’an nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, kamana daali doono la dagaalanka Al shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed iyo daryeelkooda ayaa udub dhexaad u ah howsheenna, marka waxaa waajib nagu ah inaan ilaalinno iyaga iyo danahooda si loo gaaro Soomaaliya oo nabad ah, xasilloon oo barwaaqo ah, ayaa lagu yiri qoraal ka sooo baxay ATMIS.

Si kastaba, ciidamada dowladda iyo saaxiibada taageero ayaa muddooyinkii dambe wadday howlgallo ka dhan ah dhaqdhaqaaqa kooxda Al shabaab.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed