Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawisley ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaanka Sarmaan Dheere ee gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al shabaab.
Howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanka Sarmaan Dheere ayaa lagu guuleystay in lagu bartilmaameedsado saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda . Tirada saxda ah si rasmi ah looma shaacin, sida laga soo xigtay saraakiil amni oo ka tirsan ciidanka dowladda.
War kooban oo ka soo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamada wadajirka ah ay xubno ka tirsan kooxda ku dileen deegaanka Sarmaan Dheere.
“Howlgalka waxa uu ka dhacay deegaanka Sarmaan Dheere ee gobolka Baay, waxaa lagu dilay Al-Shabaab, qaar kalena nolosha ayaa lagu qabtay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.
Howlgallada lagu dilay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ayaa qeyb ka ah howlgallada adag ee dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan dalka, si dalka looga xoreeyo dagaalyahannada Al shabaab.
HBN NEWS DESK