Ciidamada dowladda oo kaabbiga ku haya Ceelbuur iyo dadkii daganaa bilaabaya in ay ka baxaan wararkii ugu dambeeyay

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgallada ay wadaan ciidamada isku dhafka ah ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo ku wajahan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo Al shabaab ay gacanta ku hayaan 15 sanno ee la soo dhaafay, degamadaan oo ah mid istaraatiiji ah ayaa ah, waana magaalada  ugu muhiimsan ee dagaalyahannadu ka maamulaan gobolada dhexe, gaar ahaan deegaannada Galmudug.

Ciidamadaan is garabsanaya ayaa qorsheynaya in ay howlgal millateri ay ku galaan gudaha magaalada Ceelbuur sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada hoggaaminaya, qorshaha howgallada Galgaduud aya waxaa ugu weyn in gacanta lagu dhigo degmadaas iyo Galhareeri, oo loo arko haddii laga saaro Al shabaab in ay ku jabeen Galmudug, loogana adkaaday magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga maamulka Galmudug Cali Baashi Cabdullaahi oo wariyaasha laa hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku wajahan yihiin degmada Ceelbuur, isagoo oo intaas raaciyay in howlgalladii ugu dambeeyay ee gobolka lagu soo afjaraayo kooxda Al shabaab haatan ay socdaan.

Dhanka kale goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadka deegaanka ee magaalada Ceelbuur ay bilaabeen barakac kuwaas oo si xooggan uga baxaya gudaha magaalada Ceelbuur, waxaa ay qaxeen deegaannada iyo tuulooyinka hoos yimaada magaalada si ay u badbaadiyaan nafootada, waxay cabsi ka qaba in ay dhibaato ay ka soo gaarto howlgallada ku soo wajahab maagalada.

Dowladda ayaa horay fariin ugu dirtay dhammaan dadka deggan deegaannada Al shabaab gacanta ku hayaan in ay iskaga baxaan, warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in xalay Al shabaab dadka deggan Ceelbuur ay ku amreen in ay iskaga baxaan magaalada.

Ceelbuur ayaa maanta haawaneysa waxaa ay noqotay xudunta xilligaan lagu hardamayo ee gobolka, iyada oo waqti hore aheyd magaalo Al shabaab ay ka hagaan howlgallada, sidoo kalana lagu tababari jiray dagaalyahannadooda, ciidanka dowladda oo mar qabsaday ayaa ka soo baxay kadib culusyo xooggan oo kaga yimid Al shbaaab, taas oo ka dhigan muhiimada ay u leedahay kooxda.

Si kastaba, Ceelbuur ayaa ah mowduuca ugu weyn ee la hadal hayo maalmahaan, waxana ugu wacan ahmiyada magaaladaan oo labada dhinac ay ku loolamayaan maaddaama ay tahay magaalo istaraatiji ah, oo macno weyn ugu fadhiso dowladda iyo Al shabaab.

Magaaladan Ceelbuur ee qabsatay warbaahinta  ayaa magaalada Muqdisho dhanka Waqooyi Bari uga beegan qiyaastii 386 KM.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed