Wararkii u dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Cawswayne

Wararka ka imaanaya deegaanka Cawswayne oo ka tirsan gobolka Galguduud ayaa sheegay in saaka waaberigii halkaasi uu ka dhacay dagaal Al Shabaab ku soo qaadeen saldhig ciidamada xoogga Soomaaliya dhawaan halkaasi ka samaysteen, ka dib markii la wareegeen.

Wararka ayaa sheegaya in Al Shabaab ay weerarka ku bilaabeen qaraxyo ismiidaamin ah, ka dibna waxaa xigay dagaal xooggan oo muddo saacad ah socday.

Warar laga helay dhanka saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay inay ciidanku helay xog la xiriirta gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo la doonayay in lagu burburiyo ciidanka, balse ciidanka  oo arrinkaas u diyaar ahaa ay fashiliyeen weerarka gaadmada ah oo ka yimid dhinaca Al shabaab.

Laakiin dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu muddo socday isla markaana ay jiraan khasaare aan la cayimin oo ka dhashay.

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkan ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka ay ka hortageen ayna fashiliyeen weerar ay soo qaadeen argagixisada, isla markaana jab wayn ay u gaysteen kooxdii weerarka soo qaaday.

Al Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in ay dileen tobonanaan ka tirsan ciidamadii ku sugnaa saldhiga Cawswayne isla markaana ay burburiyeen qalab iyo gaadiid dagaal, balse ma jirto caddeymo ay soo bandhigeen.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa inta badan ka saaray deegaanada ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab ee ka kala tirsan maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana gabagaba maraya wajigii koowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gobolka ay ku wajahan yihiin degmada degmada Galhareeri ee gobolka Galguduud oo ay weli gacanta ku hayaan Al-shabaab, iyadoo shalay ciidamada Soomaaliya la wareegeen  degmada Ceelbuur oo ahayd saldhiga ugu wayn ee Al Shabaab ee gobolada dhexe.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed