Ciidamada dowladda oo fashiliyay miinooyin lagu aasay gobolka Shabeelada Dhexe

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ku yaal gobolka Shabeelada Dhexe, howlgalkan waxa fuliyay ciidanka loo yaqaan Khaalid binu Waliid ah guutada 24aad.

Nawaaxiga deegaanka Ruunirgood oo ay fariisimo ku lahayeen kooxda Al-shabaab ayaa si gaar ah loo beegsaday sida ay sheegeen saraakiisha saraakiisha hoggaamineysay weerarkaan qorsheysan, isla markaana waxay cagta mariyeen saldhigyo kooxda Al shabaab ka soo ababauli jireen weerarada.

Saraakiisha ayaa laga soo xigtay in ay fashiliyeen miinyooyin lagu aasay waddooyin muhiim ah oo ku yaal deegaannaada ay tageen, kuwaas oo ay qarxiyeen.

Ugu dambeyntii saraakiisha waxay tilmaameen iney sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan meelaha ay gabaadka ka dhiganayaan Ururka Al-shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed