Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo ka baxay Maxaas oo ku wajahan magaalada Wabxo

 

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ay ku wajahan yihiin deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, oo dhawaan ay ka soo bexeen markii Al shabaab si nabad ay kala wareegeen bishii hore.

Ciidamadaan oo ah kuwa hubeysan ayaa goobjoogayal waxaa ay sheegeen in ay ka dhaqaaqeen degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo qorsheynaya in ay gaaraan Wabxo oo ah magaalo istaraatiiji ah, muhiimna u ah dowladda Soomaaliya gacan ku heynteeda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ku wajahan deegaanka Wabxo ayaa ku warramaya in saacadaha soo aaddan ay doonayaan in gaaraan Wabxo iyo deegaannada ku dhaw, waxaa ay intaas raaciyeen in degmada Ceelbuur ay tahay iyaduna in ay gacanta ku dhigaan, inkastoo Ceelbuur dhowr jiho laga geli doono marka la isku daro ciidamada Hiiraan iyo kuwa Galgaduud, saraakiil sar sare ayaa sheegeen in qorshaha degmadaas ay tahay mid gooni ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa beddeshay qorshihii hore ee dagaalka kadib markii ay ciidamadu ka soo bexeen magaalooyin muhiim ah oo ururka Al shabaab horay looga saaray.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed