Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ku dilay in ka badan 30 ka tirsan Al shabaab deegaanno ka tirsan maamulka Galgmudug

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgal xooggan ka fuliyay deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al shabaab.

Howlgalkan qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Baraag-Gurguurte oo qiyaastii 25-km u jira degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Howlgallada ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, kaddib dagaal ay la galeen ciidamada deegaanka. In ka badan 30-ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ka hor waabarigii ciidamada Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaankaas, oo galbeedka kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Xarardheere Maxamed Yuusuf ayaa xaqiijiyay howlgalka iyo khasaaraha ka dhashay.

War lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka uu hadda ku fiday deegaanno ka tirsan degmada Xarardheere, waxaana la sheegay in ciidamada gaarka ah ee Gorgor ay ku biireen dagaalka.

Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ka socda gobolka Mudug, waxaana horkacaya dadka deegaanka, iyadoo sidoo kale diyaar garow ay wadaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawisley.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed