Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo cagta mariyay deegaanno hor leh

Ciidamo isugu jira xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo maanta dhowr deegaan cagta mariyay u dhaw deegaanka  deegaanka Ceel-lahelay oo shalay Al shabaab laga saaray, deegaanka Bulacle ayaa kamid ahaay deegaannada ciidamadu ay gaareen.

Ciidankaan waxaa hoggaaminayay saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo lagu magacaabo Aadan Laba-afle iyo guddooomiyaha caasimadda Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow, sidoo kale waxaa galabta ciidanka furimaha uga tagey Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan ayaa Warbaahinta u sheegay inay ku jiraan howlgal saf-balaaran ah oo soca doona deegaanka Ceelgaras ilaa degmada Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed