Ciidamada dowladda iyo kuw deegaanka oo la wareegay deegaanno ku yaal koofurta Mudug iyo wararkii ugu dambeeyay

Howlgallo ka dhacay deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka Xogga dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka, kuwaas oo si buuxda ula wareegayo deegaanno dhowr ah, oo laga saaray dagaalyahannada Al shabaab, kadib cadaadis culus oo ay kala kulmeen ciidanka.

Deegaannadaas waxaa kamid ah Bacaadweyn, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo magaalada Camaara oo ka wada gobolka Mudug sida ay shaacisay xukuumadda Soomaaliya.

Dowladdu bayaan ay soo saartay ayey ku sheegtay in Al shabaab ay ka baxeen dhammaan deegaannada kadib howlgallo iyo weeraro ay ku qaadeen saldhigyo dagaalyahannadu ku lahaaayeen gobolkaas.

Dowladda ayaa guul weyn ku tilmaamtay la wareegitaanka Degaannada laga saaray Al shabaab, kuwaas oo ay adag tahay in ay ku sii nagaadaan deegaannada dhaca koofurta gobolka Mudug, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya.

Magaalada Bacaadweyne ayaa aheyd magaalo tiro dhowr jeer ah ay isku beddeleen ciidamada dowladda iyo Al shabaab, muddooyinkii lagu loolamayay, balse waxaa maanta ku sugna ciidamada isku dhafka ah ee dagaalka kula jiro ururka.

Shalay galab ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay deegaannada Qodqod iyo Sargo oo hoos yimaada magaalada Camaara ee gobolka mudug, howlgalkaas ayaa lagu dilay 30 ka tirsan Al shabaab, sidoo kale waxaa laga afar gaari, halka laga qabsaday labo kale iyo hub badan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed