Ciidamada dowladda iyo diyaaradaha Markeykan oo howlgal ku dilay xubno ka tirsan Al shabaab Shabeelada Hoose

Wara ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada cirka ee Markeykanka in ay howlgal ka fuliyeen gobolka Jubada Hoose, howlgalkaan ayaa lala beegsaday xubno ka tirsan Al shabaab.

“War hordhac aan oo aan ka helnay hawlgalka waxaa uu xaqiijinayaa in hawlgalka lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab, waxaana lagu burburiyay shabakad qorsheynaysay dhagar lagu dhibaateynayo shacabka iyo hantidooda” ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu faafiyay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in ay faah faahin ka bixi doonaan khasaaraha ay gaarsiiyeen Al shabaab, iyaga oo intaas raaciyay in howlgalkaan uu ahaay mid qorsheysan oo lagu burburiyay saldhigyo Al shabaab ay ku la haayeen gobolkaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed