Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka dagaal dhaliyay khasaaro la galay Al shabaab gobolka Mudug

Howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa Al-Shabaab kula dagaalamay deegaanada Jeeje-jeex iyo Buurta Yagoos. Dagaalka oo ahay mid culus ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Caad iyo Camaara ee koonfurta gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, ayaa haddana saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ciidamada dowladda waxay sheegeen inay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa goobihii lagu bartilmaameedsaday.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso in ay ku xoojiso ammaanka deegaannada Koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan howlgallada Taliska Ciidanka Gorgorka oo dhawaanahan la xoojiyay.

Shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladda iyo Galmudug oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka ay gacanta ku dhigeen dhowr deegaan oo hoos yimaada magaalad Caad ee koofurta gobolka Mudug.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed