Ciidamada dolwadda oo fashiliyay weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Bardaale ee gobolka Baay

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya  ayaa fashiliyay weerar ay ururka Al-Shabaab ku doonayeen in ay ku qaadaan degmada Bardaale ee gobolka Baay, kadib markii ay soo abaabuleen weerar ka dhan ah ciidamada dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka uu  helay xog ku saabsan qorshaha weerar ku soo wajaha oo Al shabaab ay diyaariyeen, lagana hor tagay degamadaas.

Dadka ku dhaqan degmada Bardaale ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA u xaqiijiyay weerarka, waxaana ay sheegeen in ciidanka ay fashiliyeen weerar gaadmo ahaa oo ay xalay lala damacsnaa ciidamada ku sugan degmada Bardaale ee gobolka Baay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed