Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Puntland oo ka hortagay weerar Al shabaab ay ka qorsheynayeen Boosaaso

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa fashiliyay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku doonayeen in ay ku weeraraan dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo ku sugnaa gudaha magaalada Boosaaso, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Warkaan loo lagu daabacay wakaaladda wararka SONNA ayaa lagu yiri sidaan:

“Xarunta dambi baarista ee CID-da ee maamul goboleedka Puntland oo qeyb ka ah ciidamada Booliska Soomaaliy ayaa ku guuleystay in ay soo farageliyaan oo ay ka hortagaan shirqoolkii foosha xumaa ee lagu badbaadiyay shaqaalaha shirkadda dhismaha ee Bulsho iyo muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan”.

Laamaha amaanka Soomaaliya ayaa wada baaritaano ku aadan falkan, waxaana la filayaa in dambiilayaasha la soo qabtay la horkeeno sharciga, dhawaana bulshada loo soo bandhigi doono. Dhacdadaan ayaa hoosta ka xariiqaysa dadaalka mideysan ee ay wadaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ka howlgala heer Dowlad Goboleed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed