Ciidamada Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay koox burcad ah oo dil ka geystay magaalada Hargeysa

Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa gacanta ku soo dhigay rag dhalinyaro ah oo 14, 11, 2023 magaalada Hargeysa ku dilay nin magaciisa lagu sheegay Xasan Dacar oo 46 jir ahaa, kaas oo ay ku dileen toorey.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sheegay in Eedaysanayaasha falka dilka ah gaystay ee ay Ciidanka Boolisku gacanta ku soo dhigeen ay kala yihiin Xamza Cabdi Saleebaan oo 23 jir ah iyo Ayaanle Muxamed Xaashi oo 22 jir ah, haatanna ay Ciidanka Boolisku gacanta ku hayaan.

Booliska ayaa sheegay in dilka kadib ay baaris ku sameeyeen Marxuumka oo ay ka qaateen Taleefankiisa gacanta, taasi oo ay Boolisku ku marqaati fureen Eedeysanayaasha.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Darawalada Gaadiidka Dadweynaha, waxaana la sheegay in uu watay Gaari lagu Magacaabo Probox, Eedeysanaha  ayan dil u geystay marxuumka.

Boolisku waxa kale oo ay tilmaameen in 3-dii November 2023 eedaysanayaasha ay dhac iyo dhaawac u geystay Mustafe Cali Cabdilaahi oo ahaa Taksiile.

Laamaha amaanka Somaliland ayaa balan qaaday in ay xoojin doonaan howlgalada lagu ciribtirayo kooxahan burcada ah ee inta badan geysta fal dambiyeedyo isugu jira dhac iyo dil.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed