Ciidamada Badda Puntland ee ayaa maanta oo Sabti ah shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen hub sharci darro ah, isla markaana ay burburiyeen shabakado burcad badeed ah oo ka howlgala xeebaha Eyl, oo dhawr mar oo hore weeraro looga gaystay maraakiibta caalamiga ah.
Ciidanka badda Puntland ma aysan shaacin tirada hubka ay qabteen iyo halka loo waday, laakiin muddooyinkan buuralayda gobolka bari ayaa waxaa ka dagaalamayay Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay bayaan soo baxay, maamulka gobolka ayaa si firfircoon u baadigoobaya burcadbadeedda ku lug lahayd afduubka markabka MV Abdullah, oo ah markab xamuul oo sita calanka Bangladesh, kaasoo ay burcad-badeedda Soomaalida sii daayeen bishii hore ka dib toddobaadyo wadahadal ah iyo $5 milyan oo madaxfurasho ah oo laga bixiyay.
Intii uu socday howlgalka ayaa sidoo kale maamulka Puntland waxa ay ku soo qabteen markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen, kaasi oo falal sharci darro ah ka waday xeebaha maamulkaas.
HBN NEWS DESK