Ciidamada ATMIS ee Jubaland oo soo gabagabeeyay joogitaankoodi maamulkaas iyo Axmed Madoobe oo war ka soo saaray

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland  ayaa xarunta madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatay saraakiisha Ciidanka ATMIS qayb 6-aad ee ka howlgalayay maamulkaas muddooyinkii dambe.
Axmed Madoobe Saraakiisha ATMIS la wadaagay Kaalintii ay ka qaateen la dagaalanka argagaxisada, doorkii ay ka ciyaareen hannaanka ammaanka maamulka Jubalaand iyo sidii ay ula shaqeeyeen ciidamada dowladda Faderaalka Soomaaliya ee ka howlgala deegaannada maamulkaas.
Ciidanka ATMIS qeybtooda 6-aad ee ka howlgalayey Jubaland ayaa soo gaba gaboobay shaqooyinkoodii aheyd la dagaalanka Al shabaab oo dagaallo xooggan ku galeen Jubbooyonka. Ciidankaan soo gabagabeeyay joogtaanka maamulkaass, ayaa qayb ka ahay qorshaha guud ee lagu dhimayo ciidanka ATMIS ee jooga Soomaaliya.
Waxaa lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan 3,000 oo askari oo lagu wado in la dhimo bishiyaan sida ay baahiyeen madaxda howlgallada ATMIS, saldhigyada ay ka baxayaan ayaa lagu wadaa in lagu wareejiyo ciidanka dolwadda Soomaaliya iyo kuwa Jubalaand.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed