Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo baaritaanno koox Ajnabi ah oo ka tirsan Daacish

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay afar nin oo u dhashay dalka Marooko, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin Daacishta Puntland.

Xariga ayaa 18-kii bishan November ka dhacay deegaanka buuralayda ah ee Cali Miskad kaas oo muujinaya halganka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee Puntland.

Saadaq Aadan Cali oo ah Afhayeenka Ciidamada Booliska ayaa xaqiijiyay howlgalkaasi, isagoo sheegay in baaritaano ay ku socdaan, iyadoo maalmaha soo socdana loo soo bandhigi doono natiijada baaritaanada.

Tan iyo markii la aas aasay buuraleyda Galgala ee Puntland 2015, Daacish oo ka amar qaata wadaadkii hore ee Cabdulqaadir Muumin oo fadhigiisu ahaa UK, waxa ay dagaal xooggan kula jirtay ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.

Bishii Luulyo, Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf, madaxa xafiiska maaliyadda ISIS-Soomaaliya, door muhiim ah oo uu ku leeyahay taageeridda dhaqdhaqaaqyada Daacish ee Soomaaliya.

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed